Wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes oo ka hadlay ku biiristiisa kooxda Juventus.

(Torino) 05 Luulyo 2018. Wakiilka Cristiano Ronaldo Jorge Mendes ayaa wuxuu ka dhawaajiyay  in laacibka uu dalaalka ka yahay uu kusiii dhawaanayo inuu u dhaqaaqo kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Waxaa jira warar badan ee ku aadan in Cristiano Ronaldo uu ugu dhaqaaqi doono Juventus aduun dhan 100 million euros, isla markaana uu sanadii mushaar ahaan u qaadan doono 30 million euros.

Laakiin wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa wuxuu kala hadlay musqtaqbalka laacibka kooxda Real Madrid warbaahinta dalka Portugal.

“Haddii Cristiano Ronaldo uu ka tago Real Madrid, wuxuu mar walba ku farxi doonaa kooxda, madaxweynaha iyo kooxda qeybaheeda kala duwan oo dhan”.

“Juventus waxay noqon doontaa kaliya marxalad cusub iyo loolan cusub”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close