Maxaa ka soo baxay kulankii dhex maray Wakiilka Ronaldo iyo madaxwaynaha Real Madrid?

(Madrid) 05 Luulyo 2018 Kulan ayaa dhex maray wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes iyo madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez.

Di Marzio ayaa daaha ka qaaday in kulankii dhex maray labada masuul ay uga wada hadleen sidii loo xalin lahaa arinta muranku uu ka taagan yahay ee ah mustaqbalka Ronaldo.

Image result for jorge mendes Ronaldo

Wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa u sheegay Madaxwaynaha Real Madrid in laacibku uu go’aansaday inuu ka tago kooxda suuqa xaggaagan.

Haddii Real Madrid ay ogolaato in Ronaldo ay iska fasaxdo, Juventus ayaa ah kooxda ugu horaysa ee dhamaystiraysa saxiixiisa.

Juventus ayaa diyaar u la ah Ronaldo inay siiso mushaar dhan 30 milyan oo euro sanadkii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close