Kooxda Atletico Madrid oo kala heshiisay AC Milan weeraryahanka xulka qaranka Croatia Nikola Kalinic

(Atletico) 05 Luulyo 2018. Kooxda Atletico Madrid ayaa kala heshiisay dhigeeda AC Milan saxiixa weeraryahanka xulka qaranka Croatia Nikola Kalinic.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sport Italy” heshiiska ayaa lagu soo xiray in Nikola Kalinic uu sanadii mushaar ahaan ku qaadan doono aduun dhan 3 million euros a year.

weeraryahanka xulka qaranka Croatia Nikola Kalinic ayaan qeyb ka ahayn xidigaha ka qeyb galaya koobka aduunka 2018, sababa la xiriira inuu iska diiday inuu qeyb ka noqdo ciyaaryahanada badalka ah.

Kooxda AC Milan aya kala soo saxiixatay Nikola Kalinic xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kooxda Fiorentina aduun dhan 25 million euros

Milan ayaa ugu horeyn qaab amaah ah kula soo wareegtay Nikola Kalinic, waxayna Atletico Madrid dooneysaa inay qaado isla talaabada Milan si ay u hesho Nikola Kalinic.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close