“Cristiano Ronaldo wuxuu dib u soo celin doonaa sharafta horyaalka dalkaTalyaaniga hadii uu ku biiro Juventus”…Christian Vieri

(Serie A) 05 Luulyo 2018. Laacibkii hore kooxda Inter Milan iyo xulka Talyaaniga Christian Vieri ayaa ku faraxsan in Cristiano Ronaldo si aad ah lala xiriiriyo kooxda Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa  lala xiriirinayaa in Juventus ay ku qaadan doonto saxiixiisa aduun dhan 100 million euros, isla markaana uu sanadii mushaar ahaan u qaadan doono 30 million euros.

Christian Vieri ayaa si cad u sheegay in hadii uu Cristiano Ronaldo u soo dhaqaaqo horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga gaar ahaan kooxda Juventus uu dib u soo nooleyn doono horyaalka.

“Horyaalka Serie A wuxuu noqon lahaa mid aad u xiiso badan hadii ay dhacdo in Ronaldo uu u dhaqaaqo kooxda Juventus”.

“Dadka banaanka inta badan kama hadlaan horyaalka Serie A, sababa la xiriira inuusan heysan xidigaha ugu wanaagsanaduunka dunida, laakiin Ronaldo mar kale ayuu soo nooleyn doonaa horyaalka dalka Talyaaniga”.

“Waxaan ku farxi doonaa inaan daawado horyaalka, dadku waxay la yaabi doonaan waxa uu ka sameenayo iyo tirada goolasha uu ka dhalin doono Cristiano Ronaldo kooxda Juventus”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close