Blaise Matuidi oo amaanay Kylian Mbappé kahor kulanka Uruguay

(Russia) 05 Luulyo 2018. Blaise Matuidi ayaa wuxuu si xoogan u amaanay Kylian Mbappé kahor kulanka ay wada ku wada ciyaari doonaan baro xulka Uruguay wareega siddeeda koobka aduunka 2018.

Matuidi ayaa kalsooni weyn ka muujiyay in xidiga kooxda PSG Kylian Mbappé uu guul gaarsiin doono xulka qaranka France kulanka ay kula ciyaari doonaan Uruguay wareega 8-da.

“Waxaan daawaday isagoo tababar sameeyanaya maalin kasta, waxan aaminay inuu yahay xidig da’ayar ee aad u wanaagsan”.

“Waa wax aad u adag in la ilaaliyo isaga, wuxuu xakameyn karaa qaabka ciyaareedka” Mbappé waa ciyaaryahan aad u xiiso badan”.

“Kylian Mbappé wuxuu awoodaa inuu si fudud ku dhaafo difaacyada Uruguay, waan ku kalsoonahay inuu sidaas sameenayo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close