“Waxaan u maleynayaa in xulalka Brazil, England iyo France ay ku guuleysan karaan koobka aduunka”… Wenger

(Russia) 04 Luulyo 2018. Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay saddexda xul qaran uu aaminsan yahay in aay ku guuleysan karaan koobka aduunka sanadan.

“Dal dadkiisu ka yar yahay 40 million qof, kuma guuleysan koobka aduunka tan iyo sanadii 1954-tii”.

“Inkastoo dadweynaha reer Belgium ay ka yar yihiin 40 milyan, waxay heystaan tayada inay ku guuleysan karaan koobka aduunka 2018”.

“Waxaan u maleynayaa in Brazil, England iyo France ay awood u leeyihiin inay ku guuleystaan koobka aduunka 2018, Croatia ayaa sidoo kale heysata tayada ay ugu guuleysan karto koobka aduunka”.

“Ma jiro qof ka hadlaya xulka England, laakiin wuxuu leeyahay awood weyn, wuxuuna ku guuleysan karaa koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close