Matthaus oo weerar ku qaaday Neymar Jr sababa la xiriira jiliinkiisa joogtada ah uu ka sameenayo gudaha garoonka

(Russia) 04 Luulyo 2018. Halyeeyga kubadda cagta dalka Germany Lothar Matthaus ayaa weerar culus ku qaaday xidiga reer Brazil ee Neymar Jr, sababa la xiriira haab dhaqanka iyo jiliinkiisa joogtada ah uu ka sameenayo koobka aduunka 2018.

26 jirka reer Brazil ayaa la kulmay dhaleeceen xoogan ee ku aada qaladaadkiisa koobka aduunka 2018 iyo jiliinkiisa joogtada ah, taasoo keentay in xitaa uu ku dhaleeceeyo Lothar Matthaus.

Neymar Jr ayaa wuxuu haatan isku diyaarinayaa kulanka ay kula ciyaari doonaan Belgium wareega 8-da ee koobka aduunka 2018.

Hadaba halyayga Lothar Matthaus ayaaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay hab dhaqanka Neymar Jr.

“Neymar waa ciyaaryahan caalami ah, uma baahna inuu jiliin sameeyo marka uu qalad la kulmo, taasoo yareyn karta jaceylka iyo naxariista jamaahiirtiisa”.

“Waxaa xaqiiqo ah iuusan u baahnayn in uu jiliin sameeyo, xaqiiqdii waa mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan aduunka xiligan”.

“Maradona ma uusan sameynin jiliin Koobka Aduunka ee 1986, sidoo kale Lionel Messi, sidaasi darteed waxaan dooneynaa ciyaartoy sida Neymar, laakiin aanan sameynin wax jiliin ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close