Madaxweynaha Real Madrid oo kulan deg-deg ah la qaadan doono wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes & xiliga uu qabsoomi doono kulanka

(Real Madrid) 04 Luulyo 2018. Sida uu shaaca ka qaaday wargeyska “Marca” madaxwaynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu kulan gaar ah la qaadan doono wakiilka Cristiano Ronaldo Jorge Mendes, si ay kaga wada hadlaan mustaqbalkiisa Los Blancos maadaama shaki xoogan la galinayay saacadihii lasoo dhaafay.

Waxaa jira warar ku aadan in kooxda Juventus ay kulasoo saxiixaneyso kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo aduun dhan 100 million euros. Isla markaana mushaar ahaan ay u siin doonto sanadii aduun dhan 30 million euros.

Florentino Perez ayaa doonaya inuu soo gabagabeeyo wararka ku saabsan mustaqbalkiisa Ronaldo, sidaasi darteed waxa uu weydiistay Mendez inuu go’aan ka gaaro mustaqbalka  Cristiano isla markaana uu dhageysto dalabkiisa.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in kulanka Florentino Perez uu la yeelan doono Jorge Mendes aysan ka dhigneen inuu doonayo in Ronaldo uu kusii hayo garoonka Santiago Bernabéu, balse wuxuu doonayaa inay ka wada hadlaan waxa u wanaagsan labada dhinac, si loo soo afjaro wararka xanta ah.

Wargeyska “Marca” ayaa wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray in kulanka Florentino Perez iyo Jorge Mendes uu qabsoomi doono Arbacada ama Khamiista marka ay ugu yar tahay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close