Liverpool oo isha ku heysa saxiixa difaaca kooxda Barcelona Yerry Mina

(Liverpool) 04 Luulyo 2018. Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Liverpool ay ku fikirayaan lasoo saxiixashada difaaca xulka qaranka Colombia Yerry Mina.

Kooxda Reds ayaa qorsheeneysa in xili ciyaareedka soo aadan ay la soo saxiixato Yerry Mina xili laga war qabo in kooxda ay ku sugan yihiin difaacyada Virgil van Dijk iyo Dejan Lovren.

Laakiin Barcelona ayaa la filayaa in aysan ogolaan doonin bixitaanka Yerry Mina, kadib qaab ciyaareedka uu ka sameeyay koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

Kooxda reer Catalonia ayaa suuragal ah in adeega Yerry Mina uu muhiim u noqdo xili ciyaareedka soo aadan maadaama hoos u dhac weyn laga dareemayo qaab ciyaareedka  Gerard Pique.

Balse Yerry Mina ayaa ka helaya dalabyo badan aan la diidi Karin qaar ka mid ah kooxaha qaarada yurub kadib koobka aduunk 2018 ayaana la go’aamin doonaa mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close