Halyayga reer Brazil Ronaldo oo difaacay Neymar Jr, isagoo dhinaca kale amaanay Cristiano Ronaldo

(Russia) 04 Luulyo 2018. Halyayga reer Brazil Ronaldo ayaa wuxuu xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo uu sii ahaan doono sida uu haatan yahay, xitaa hadii uu ka dhaqaaqo kooxda Real Madrid.

Waxaa jira warar ku aadan in kooxda Juventus ay kulasoo saxiixaneyso kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo aduun dhan 100 million euros.

Weeraryahankii hore xulka qaranka Brazil ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee garoonka Santiago Bernabeu wuxuuna kaga jawaab celiyay.

“Waxaan maqlay arintan laakiin maa garanayo xaqiiqada jirta, laakiin Cristiano Ronaldo wuxuu ahaan doonaa sida uu haatan yahay meel kasta uu u dhaqaaqo”.

Halyayga kooxda Real Madrid ayaa sida laga soo xigtay wargeyska dalka Spain kasoo baxa ee “Marca” wuxuu ka qoomameeyay eedeymaha uu kala kulamay Neymar Jr qaar ka mid ah halyeeyada kubada cagta sida Alan Shearer iyo Gary Lineker

“Kubada cagta waxa ay leedahay fikrado badan, Neymar si xirfadeydan ayaa u dhaqaaqayaa, waa inaan ilaalino isaga, sababtoo ah wuxuu leeyahay hibo weyn”.

“Waxa uu la kulmay Neymar, waxay u egyihiin waxa aniga igu dhacay”.

“Waxaan lasoo kulmay dhibaatooyin fara badan ee gudaha garoonka ah iyo dhaleeceeno kala duwan, laakiin waxay ahaayeen kuwo wax kama jiraan ah”.

“Neymar wuxuu bixinayaa qaab ciyaareed fiican koobka aduunka 2018, wuxuu hormar sameeyay xili muhiim ah, hadii uu xulka Brazil kula guuleysto koobka aduunka taas waxay ka dhigan tahay wuxuu soo afjari doonaa waayaha Messi iyo Ronaldo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close