“Difaaceena ayaa ka awood badan weeraryahanka xulka France Kylian Mbappé”… Diego Laxalt

(Russia) 04 Luulyo 2018. Difaaca xulka qaranka Uruguay Diego Laxalt ayaa wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay la ciyaaraan dhigooda France, gaar ahaan weeraryahanka kooxda PSG Kylian Mbappé.

Xulalka France iyo Uruguay ayaa waxay ku dagaalami doonaan wareega xiga siddeed dhamaadka koobka aduunka 2018.

19 jirka kooxda PSG ayaa wuxuu awoodiisa ciyaareed ku muujiyay kulankii Argantina ay kula ciyaareen wareega 16-ka koobka aduunka, kaasoo kusoo idlaaday 4-3 ay guusha ku raacday xulka France.

Dhinaca kale xulka qaranka Uruguay ayaa wuxuu isna kasoo cirib tiray koobka aduunka 2018 dhigooda Portugal kadib markii ay guul kaga gaareen 2-1.

Difaaca xulka qaranka Uruguay Diego Laxalt ayaa kahor kulanka la wada sugayo wuxuu la hadlay saxaafada.

“Waa inaan qabano shaqo cajaa’ib ah  ee ku aadan dhanka difaaca, si aan u joojino weeraryahanada France”.

“Kylian Mbappé waa ciyaaryahan dhaqsi badan, laakiin difaaceena wuxuu awoodaa inuu isaga joojiyo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close