Allegri oo si aad ah u xiiseenaya inuu kala soo saxiixdo kooxda Bayern Munich difaacooda Jerome Boateng.

(Juventus) 04 Luulyo 2018. Sida uu shaaca ka qaaday wargeyska “Corriere dello Sport” macalinka kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa wuxuu xiiseenayaa inuu lasoo saxiixdo difaaca kooxda Bayern Munich Jerome Boateng.

Sida ay shaaca ka qaadeen warar soo baxay dhawaanahan kooxda Juventus uu hogaaminayo Massimiliano Allegri ayaa waxay doonayaan in ay lasoo saxiixdaan Jerome Boateng.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in xitaa macalinka reer Talyaani Massimiliano Allegri uu ku war galiyay maamulka kooxda inay sameeyaan saxiixa Jerome Boateng inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Kooxda reer Talyaani ayaa waxay diyaarineysaa dalab gaarsiisan 60 million euro ay u gudbin doonto Bayern Munich, si ay kala soo saxiixato Jerome Boateng.

Waxaa xusid mudan in Juventus ay loolan adag kala kulmi doonto saxiixa Jerome Boateng. Kooxaha waaweyn ee qaarada yurub sida Paris Saint – Germain iyo Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close