Xulka qaranka Sweden oo gaaray wareega siddeed dhamaadka koobka adduunka 2018, kadib markii ay guul ka gaareen Switzerland

(Russia) 03 Luulyo 2018. Xulka qaranka Sweden ayaa gaaray wareega siddeed dhamaadka koobka adduunka 2018 kadib markii ay ka gudbeen dhigooda Switzerland.

Kulanka ayaa ku bilaawday qaab waali ah, iyadoo labada dhinac ay si xoogan isku weerareen, xulka qaranka Sweden ayaa kulan cajiib ah la qaatay dhigiisa Switzerland.

Kulanka ayaa qeybtiisa hore ay ku kala nasteen labada xul Sweden iyo Switzerland barbaro 0-0.

Qeybtii dambe marka dib leysugu soo laabtay ayay ciyaarta noqotay mid aad u xiiso badan waxayna labada dhinac sameeyeen weeraro is daba joog ah si ay ula yimaadaan goolka daah furka ciyaarta.

Xulka qaranka Sweden ayaa ku hormaray goolka waxaana u dhaliyay daqiiqadii 66-aad ee qeybtii labaad ciyaarta xidigooda Emil Forsberg kadib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Ola Toivone, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, ay ku hogaaminayeen xulka Sweden.

xulka qaranka Switzerland ayaa sameeyay isku dayo badan si uu ciyaarta dib ugu soo laabto, laakiin Sweden ayaa si weyn u difaacday goolka ay ku hogaaminayeen ciyaarta, si ay ugu gudbaan wareega xiga 8-da koobka aduunka 2018.

Laakii markale xulka qaranka Sweden ayaa daqiiqadii 90-aad wuxuu helay rigoore kahor inta uusan garsoorka ciyaarta ka laaban go’aankiisa kadib marka dib loo eegay qalabka farsamada caawiyaha ee Vir.

laakiin ugu dambeyn ciyaarta ayaa waqtigii loogu tala galay kusoo idlaatay 1-0 ay guusha ku raacday xulka qaranka Sweden oo u gudbay wareega xiga ee siddeed dhamaadka koobka aduunka 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close