Real Madrid oo soo dhigtay barteeda Twitter-ka hadal u muuqday macsalaamaynta Ronaldo!

(Madrid) 03 Luulyo 2018 Real Madrid ayaa ka nixisay taageerayaasheeda kadib hadal aan looga baran oo kooxdu ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Saxaafada dhan waxaa haysta warar sheegaya in Cristiano Ronaldo uu ku sii jeedo kooxda Juventus oo uu la dhacsan yahay ku biirideeda.

Real Madrid ayaa soo dhigtay barteeda Twitter-ka dhamaan goolashii uu dhaliyay Cristiano Ronaldo sanadkaan 2018.

“Ku raaxaysta dhamaan goolashii uu dhaliyay Cristiano Ronaldo sanadkaan 2018” ayeey kooxdu ku soo qortay barteeda Twitter-ka.

Hadalkaan ayaa loo fasirtay inuu yahay mid u muuqdo macsalaamayn maadaama laacibku uu ku adkaysanayo in la fasaxo suuqa xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close