RASMI: Manchester United oo lasoo saxiixatay goolhaayaha kooxda Stoke City Lee Grant

(Man United) 03 Luulyo 2018. Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay lasoo wareegtay goolhaayaha kooxda Stoke City Lee Grant.

Heshiiska ay Manchester United kula soo wareegtay Lee Grant. Ayaan wali la shaacin qiimaha saxda ah ay kula soo wareegtay, laakiin waxaa la filayaa in qiimaha uu gaarayo aduun dhan 3.5 milyan ginni.

35 jirkaan ayaa ku biiristiisa kooxda Red Devils ka dhigan inuu noqdo goolhayaha seddexaad ee xilli ciyaareedka soo aadan,kadib David de Gea iyo goolhayaha reer Argentine Sergio Romero.

Lee Grant ayaa kadib imaatinkiisa Man United la wadaagay saxaafada.

“Inaan ku biiro Manchester United waa riyo ii rumowday, waa fursadii aan ku faa’iideysan lahaa”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku biiro kooxdan taariikhiga ah”.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close