“Pep Guardiola wuxuu doonayay inuu soo afjaro xirfada ciyaareed ee Yaya Toure”….Emmanuel Eboué

(England) 03 Luulyo 2018. Laacibkii hore Arsenal Emmanuel Eboué ayaa sheegay in Yaya Toure uu ku saxnaa go’aankii uu kaga dhaqaaqay kooxda Manchester City.

Eboué ayaa sheegau in macalinka reer Spain ee Pep Guardiola uu ugu tala galay inuu gabi ahaanba baabi’iyo mustaqbalka ciyaareed ee Yaya Toure.

Toure ayaa si rasmi ah u go’aansaday inuu ka dhaqaaqo kooxda dalka England ee Man City,kadib markii uu ka waayay boos joogta ah.

Laakiin Emmanuel Eboué oo ka hadlay saaxiibkiis Yaya Toure ayaa sheegay inuu qaatay go’aan saxan.

“Ciyaaryahan kasra ee kubada cagta, waxaa jira xiliyo uusan sii wadi doonin inuu ixtiraamo macalinkiisa, sababa la xidhiidha mustaqbalkiisa iyo inuu ka tago kooxda”.

“Guardiola ayaan jecleyn Yaya Toure tan iyo markii uu joogay Barcelona, waana go’aankii ugu fiicnaa ee Toure uu qaato si kaga tago Man City”

“Pep Guardiola wuxuu doonayay inuu soo afjaro xirfada ciyaareed ee Yaya Toure”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close