“Inaad ka fariisato ciyaaraha caalamiga ah ma ahan wax sahlan”… Andres Iniesta

(Spain) 03 Luulyo 2018. Halyayga reer Andres Iniesta ayaa sheegay in go’aankii uu kaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah inuu ka fikirayay bilooyin kahor inta uusan qaadan go’aanka kama dambeysta ah.

34 jirkan ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, kadib markii uu xulka qaranka Spain isaga haray koobka aduunka 2018.

Laacibkii hore kooxda Barcelona ayaa kusoo daabacay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka

“14 sano ka hor waxaan xiray maaliyada xulka qaranka Spian markii ugu horeysay, waxaan ahaa 15 sano jir”.

“Waxa ay aheyd waqtiyo gaar ii ah, ma ahan kaliya inay ii rumoowday riyadeyda ee waa inaan difaaco midabada xulka qaranka, sababtoo ah waa mas’uuliyad weyn”.

“Sanado badan, waxaan bartay sida loogu sameeyo hormar waxa aad heysato, si aad iigu faantaan”.

“Ma ahayn go’aan sahlan, laakiin waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo dhamaan asxaabtayda iga caawiyay muddadan iyo dhammaan macalimiintii hore iyo sidoo kale xubnaha xiriirka kubada cagta Spain”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close