HORDHAC: Colombia vs England

( Russia ) 03 Luulyo 2018. England ayaa la dheeli doonta Colombia kulanka todobaad wareega 16 koobka adduunka sido kalana ka dhigan dheesha 56-aad ee guud ahaan tartanka.

Xulka lagu naaneyso seddax libaax ayaa kusoo baxay kaalinta labaad ee Group G inkastoo uu guuldareystay cayaartii dambe, halka Colompia oo guuldaro ku daah furatay koobka ay si cajiiba booska koowaad ugu soo gubudtay wareega kala baxa.

Hadii cayaarta u dhaxeysa labada xul la isla gaaro “Extra Time ama Waqtiga Dheeriga, waxaa loo ogol yahay labada wadan in ay isticmalaan badal afaraad. Waana markii u horeeysay oo sharcigaas lagu dhaqmayo Koobka adduunka.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 09:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Mark Geiger (United States)

Garoonka: Otkrytie Arena

Wararka Labada Koox

Xiddiga England Dele Alli ayaa diyaar u ah in loo xusho kulankan markii uu seegay kulamadii Panama  iyo Belgium.

Macalinka Gareth Southgate ayaa dib ugu yeeri doona cayaartooyda la nasiyay dheeshii Belgium, uu kamid yahay kabtan Harry Kane, kasoo ilaa hadda tartanka ka dhaliyay shan gool.

Colombia ayaa hubin doona taam qabka laacibkooda qadka dhexe James Rodriguez, kaas oo lagu qasbay in laga saaro kulankii Senegal.

Baaritaan la marsiiyay kubkiisa ayaa muujiyay barar laakiin ma jiro dilaac muruqaa, inkasoo ay cadeyn hadii uu taam u yahay inuu cayaaro.

Dhanka kale cayaariyahanka qadka dhexe Wilmar Barrios ayaa laga yabaa inuu dib loogu yeero shaxda kowaad,

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

England waa guuldaro la’aan shan kulan oo ay hore u cayaartay Colombia. Michael Owen ayaana ka dhaliyay seddaxley kulankii u dambeeyay kaas oo ay England ku badisay 3-2 cayaar ka dhacday New Jersey oo Mareykankaa sanadkii 2005.

Xulka seddaxda libaax ayaa ku garaacay Colombia 2-0 kulanka kaliya oo ay cayaareen koobka adduunka waxayna kaga mahad celinayaan goolashaas Darren Anderton iyo David Beckham cayaar qeyb ka aheyd heerka group- tartankii 1998.

Tani waa markii seddaxaad oo ay Colombia cayaareyso wareega kala baxa. Mar qura oo ay ka gudbeen heerkan waa koobkii adduunka ee afar sano ka hor lagu qabtay Brazil.

Sido kale iyagu waa guuldaro la’aan siddeed cayaar oo ay wajahday kooxaha Europe tan iyo markii uu shaqada xulkaas qabtay Jose Pekerman sanadkii 2012 6 guul ah , 2 barbaro.

England ayaa adkaatay laba cayaar oo kamida siddeedii dheel ee u dambeysay wareega bug baxda koobka adduunka.

Waqtigii u dambeeyay oo ay badiyeen koobka adduunka cayaar  wareega 16 waxaay guul ka gaartay xul ka socday koonfur American gaar ahaan wadanka Ecuador oo ay ku garaaceen 1-0.

Shaxda macquulkaa ee Colombia vs England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close