Halyayga Germany Lothar Matthaus oo ka digay in Toni Kroos uu xiligan ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah

(Germany) 03 Luulyo 2018. Halyeeyga kubada cagta Jarmalka Lothar Matthaus ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu si weyn kaga soo hor jeedo fikirka uu Toni Kroos kaga fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah, kadib markii ay isaga hareen koobka aduuka 2018.

Germany ayaa ku guuldareestay inuu u soo gudbo wareega 16-ka koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia, kadib markii ay guuldaro kala kulmeen South Korea, kulankii ugu dambeeyay heerka group-yada.

Kadib dhacdada koobka aduunka 2018 waxaa soo baxay warar ku aadan in Toni Kroos uu ku fikirayo inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah agbi ahaanba.

Laakiin Lothar Matthaus ayaa sheegay: “Suuragan ma ahan in Toni Kroos uu xiligan ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah, sababtoo ah waxaan u baahanahay awoodiisa ciyaareed”.

“Xulk Germaany wuxuu u baahan yahay laacibka Real Madrid Toni Kroos, wuxuu awoodaa inuu ciyaaro mudada 4-ta sane ee soo aadan, wuxuu awoodaa in saaxiibadiis ay sameeyaan horumar, waa hubaal hadii uu fariisto inay khasaaro weyn ku tahay xulka Germany”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close