Difaaca xulka qaranka Colombia Yerry Mina oo soo barbareeyay rikoodhkii Miroslav Klose ee koobka aduunka

(Russia) 03 Luulyo 2018. Difaaca xulka qaranka Colombia Yerry Mina ayaa ku guuleystay in xulkiisa uu u dhaliyo goolka barbaraha, waqtigii dhimashada, kulankii ay England kula ciyaareen wareega 16-ka koobka aduunka 2018.

Shabakada “Opta” ee looga haray uruurinta rikoorada iyo tirakoobyada kubada cagta ayaa sheegtay in Yerry Mina uu noqday laacibkii ugu horeeyay ee 3 gool madax ah ka dhaliyay koobka aduunka tan iyo halyeeyga rer Germany Miroslav Klose.

Miroslav Klose. Ayaa dhaliyay 3 gool ,madax ah koobka aduunka 2002, xiligaas uu tartanka ka dhaliyay 5 gool.

Si kastaba Yerry Mina ayaa u suuragaliyay xulkiisa Colombia waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray gaar ahaan daqiiqadii 93-aad inuu u dhaliyo goolka barbaraha wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1. Wuxuuna goolkan ku dhaliyay madax.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close