Arsene Wenger oo rumaysan in xulkaan uu ku guulaysan doono koobka adduunka

(London) 03 Luulyo 2018 Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa saadaal ka bixiyay xulka ku guulaysan kara koobka adduunka.

Arsene Wenger ayaa rumaysan in xulalka Croatia iyo Belgium aysan ku guulaysan doonin koobka adduunka maadaama khibrad ahaan ay ka hooseeyaan Brazil, France iyo England.

Wuxuuna intaa ku daray in xulka dalkiisa ee France uu yahay xulka ku guulaysan doona koobka adduunka ee 2018.

Wenger ayaa yiri:

“Waxaa jira xulal xoogan sida Belgium iyo Croatia, balse uma sharaxna ku guulaysiga koobka si lamid ah xulalka leh khibrada wayn ee Brazil, France iyo England”.

“Haddii aan doorto hal xul oo ku guulaysan kara koobka, waxaan dooranayaa France balse Brazil iyo England aad ayeey qatar u yihiin”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close