Willian oo doonaya inuu u dhaqaaqo Camp Nou iyo Barcelona oo iibinaysa laacib kaan si ay isaga u soo xerogaliso

(Barcelona) 02 Luulyo 2018 Laacibka reer Brazil ee Willian ayaa doonaya inuu ku biiro Barcelona suuqa kala iibsiga ee xaggaagan sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Willian ayaa ku riyoonaya inuu xirto funaanada Barcelona, maamulka kooxda reer Spain ayaana filaya in laacibku uu soo bandhigayo qaab ciyaareed cajiib ah.

Related image

Laakiin Chelsea ayaan si fudud ku fasixi doonin Willian, waxayna doonayaan in la siiyo 80 milyan oo euro si ay u fasaxaan laacibka reer Brazil.

Barcelona waxay u aragtaa in Willian uusan u qalmin 80 milyan oo euro balse waxaa suurogal ah in kooxdu ay si dhab ah uga fikirto qiimaha laacibka.

Maamulka Barcelona ayaa iska iibinaya Paulinho kaas oo haatan miiska uu u saaran yahay dalab gaaraya ilaa 50 milyan oo euro, kooxda ayaa u aragta iibka Paulinho mid ka caawinaya inay helaan Willian.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close