“Waxaan heysanaa fursad weyn aan ugu gudbi karno wareega xiga ee siddeeda”….Radamel Falcao

(Moscow) 02 Luulyo 2018. Weeraryahanka xulka qaranka Colombia Radamel Falcao ayaa wuxuu xaqiijiyay In ay heystaan fursad weyn ay ugu gudbi karaan wareega siddeed dhamaadka koobka aduunka 2018, hadii ay kaga gudbaan xulka qaranka England kulanka habeen dambe ee wareega 16-ka.

Radamel Falcao ayaa wuxuu kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka Egland wuxuuna ka hadlay muhiimada uu u leeyahay kulankan.

“Waxaan nahay diyaar, waxaan fursad weyn ku heysanaa labadeedana gacmood, waa wax fiican inaan ku wajahno England marxaladdan”.

“Waxaan heysanaa hubkeena iyo awoodeena, iyo waxa ay Colombia sameyn karto berry”.

“Waxaan heysanaa awoodo badan oo cajiib ah oo ay leeyihiin ciyaartoyda xulka qaranka Colombia”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close