“Wax badan ayay hadleen, laakiin waxaa la gaaray xiliga ay guryahooda ku laaban lahaayeen”.. Neymar oo weerar ku qaaday xulka Mexico

(Moscow) 02 Luulyo 2018. Neymar Jr ayaa ku jees jeesay xulka qaranka Mexico, kadib kulankii ay ku wada ciyaareen wareega 16-ka koobka aduunka 2018 isla markaana uu xulka Samba uu guul ku gaaray 2-0.

Xidiga kooxda PSG ayaa kadib kulanka bilaaway inuu ku maadeysto xulka qaranka Mexico, dhibaatooyin xoogan uu kala kulmay.

“Wax badan ayay hadleen, laakiin waxaa la gaaray xiliga ay guryahooda ku laaban lahaayeen”.

“Waa wax iska caadi in mararka qaar aad la kulanto cadaadis, Mexico waa xulk aad u wanaagsan, laakiin waan ka fiicanahay”.

“Weeraryahannadayadu aad ayay u adkeeyeen sababtoo ah waxaan ogeen in difaaceena uu ahaa mid aad u adag”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close