RASMI: Mohamed Salah oo heshiis waqti dheer u saxiixay kooxda Liverpool

(Liverpool) 02 Luulyo 2018. Liverpool ayaa ku dhawaaqday  inay heshiis cusub ka saxiixatay xidiga xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah.

Mohamed Salah ayaa u dhaliyay kooxda Liverpool xili ciyaareedkii lasoo dhaafay 44 gool 52 kulan uu ciyaaray, xili sidoo kale uu ku guuleestay xidigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League.

Kadib qaab ciyaareedkii uu kooxda Reds ka sameeyay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay maamulka kooxda Liverpool ayaa waxay Salah ku abaal marisay inuu saxiixay heshiis cusub ee gaaraya ilaa iyo 2023-ka.

Heshiiska uu Mohamed salah ku joogo kooxda Liverpool ayaa ah midaan la bur burin Karin, Reds ayaana ku guuleysatay in xidigeedan ay difaacato kooxaha doonayay saxiixiisa suuqa xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close