RASMI: Kooxda Inter Milan oo lasoo saxiixatay xidigaha Stefan de Vrij & Kwadwo Asamoah

(Inter) 02 Luulyo 2018. Inter Milan ayaa waxay si ramis ah ugu dawaaqday in ay kooxda Lazio ay kala soo saxiixatay difaaca reer Netherland Stefan de Vrij.

Stefan de Vrij ayaa ku yimid garoonka kooxda Inter Milan ee San Siro beeca xurta ah kadib marka uu soo idlaaday heshiiskiisa kooxda Lazio.

Sidoo kale kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa waxay sidoo kalesi rasmi ah  ugu dhawaaqday saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda Juventus ee reer Ghana Kwadwo Asamoah.

Heshiiska Stefan de Vrij ee kooxda Lazio ayaa wuxuu si rasmi ah u soo idlaaday shalay, kadib markii uu lasoo qaatay afar xili ciyaareed, wuxuu kaga soo muuqday 95 kulan wuxuuna dhaliyay 8 gool.

Intar Milan ayaa ka saxiixatay Stefan de Vrij heshiis gaaraya ilaa iuo 2023, halka sidoo kale xidiga reer Ghana Kwadwo Asamoah uu qalinka ku duugay heshiis gaaraya ilaa iyo 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close