Raphael Varane oo la barbardhigay Mbappé weeraryahankii hore xulka qaranka Brazil Ronaldo

(Russia) 02 Luulyo 2018. Raphael Varane ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis Kylian Mbappé kadib bandhigii cajiibka ahaa uu ka sameeyay kulamadii lasoo dhaafay koobka aduunka 2018.

Difaaca kooxda Real Madrid iyo xulkma France Raphael Varane ayaa sheegay in Mbappé uu leeyahay qaab ciyaareedka laacibkii hore xulka qaranka Brazil Ronaldo.

“Kylian Mbappé wuxuu leeyahay xirfad weyn, xawaare iyo dareen, laakiin weli wuu yar yahay”.

“Wuxuu la mid yahay laacibka xulka qaranka  Brazil Ronaldo, lakiin wuxuu leeyahay wax qaas ah”.

“Qof walba wuxu ku faraxsanahay in xulka France uu nagula sugan yahay xidig Kylian Mbappé oo kale ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close