Mohamed Salah oo fariin u diray jamaahiirta kooxda Liverpool kadib heshiiska cusub uu dhawaan saxiixay

(Liverpool) 02 Luulyo 2018. Xidiga xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa wuxuu fariin la wadaagay jamaahiirta kooxdiisa Liverpool, kadib markii lagu dhawaaqay inuu saxiixay heshiis cusub ee gaarsiisan  ilaa iyo 2023.

Liverpool ayaa ku dhawaaqday ayaa maanta ku dhawaaqday in ay heshiis cusub ka saxiixatay xidiga xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah.

Salah ayaa Twitter-ka kusoo daabacay “Soo dhawaada taageerayaasha Liverpool, waan ku faraxsanahay inaan ku wargaliyo inaad cusbooneysiiyay qandaraaskeyga kooxda”.

“Xilli ciyaareedkeygii iigu horeyay ee kooxdaan waxa uu ahaa mid cajiib ah waxaana ka buuxay waayo aragnimo aniga iyo qoyskeyga”

“Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan madaxda Liverpool iyo taageerayaasha kooxda, waan ogahay inaan si wada jir ah u gaari karno guulo badan…si dhaqsi ah ayaan idin arki doonaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close