Maxaadan ka ogayn heshiiska cusub ee Salah uu u saxiixay Liverpool? (Wuxuu noqonayaa …..)!

(Liverpool) 02 Luulyo 2018 Mohamed Salah ayaa lagu abaal mariyay heshiis waqti dheer ah oo uu u saxiixay kooxdiisa Liverpool saaka.

Xiddigaan reer Masar ayaa ka soo haray koobka adduunka, wuxuuna diirada u saarnaa kooxo ay hogaaminayso Real Madrid.

Liverpool ayaa ku guulaysatay inay ka saxiixdo Mohamed Salah heshiis gaaraya ilaa 2023, kaas oo aan lahayn qiimo lagu burburin karo.

Salah ayaa noqonaya laacibka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda Liverpool, wuxuuna qaadanayaa isbuucii lacag dhan 200 kun oo Ginni.

Xiriirka fiican ee ka dhexeeya Liverpool iyo wakiilka Salah ayaa fududeeyay inuu iska diido Real Madrid isla markaana uu sii joogo Anfield.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close