Macalinka xulka qaranka Mexico oo weeraray Neymar Jr… “Kubada cagta looguma tala galin caruurta”

(Russia) 02 Luulyo 2018. Macalinka xulka qaranka Mexico Juan Carlos Osorio ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday xidiga reer Brazil Neymar Jr, kadib guuldaradii 2-0 ahayd ay kala kulmeen kulankii wareega 16-ka koobka aduunka 2018.

Juan Carlos Osorio ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id kadib marka uu kulanka soo idlaaday, wuxuuna six un u weeraray xidiga kooxda PSG Neymar Jr.

“Waxaa ceyb ku ah kubada cagta in lalimiyo waqti fara badan, sababa la xiriira hal ciyaaryahan, anaga lama ciyaareyno caruur, ee waxaan la ciyaareenaa rag,

“Kubada cagta waxaa loogu tala galay dadka xoogan”.

Neymar ayaa noqday xidiga ciyaarta, wuxuu dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta, wuxuu sidoo kale caawiyay goolka Roberto Fermino, laakiin waxaa loo xisaabay qaladaad badan

Macalinka xulka qaranka Mexico Juan Carlos Osorio ayaa kahor ciyaarta ka digay jiliinka Neymar Jr marka uu ku gudi jiro garoonka, taasoo markale lagu dhex arkay waxa uu ka digay kulankii  ay dhawaan wada ciyaareen.

“Waxaan sameeyay qorsho looga hor tagayo Neymar, ee ku saleysan ciyaar wanaag, laakiin ciyaartoyda Mexico waxay qaateen kaarar badan, sababa la xiriira Neymar, taasoo sababtay inay cabsadaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close