Macalinka ka badali doono Fernando Hierro shaqada xulka qaranka Spain oo lasii ogaaday

(Spain) 02 Luulyo 2018.Sida ay shaaca ka qaadeen wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain maanta oo isniin ah waxaa lasii ogaaday macalinka Fernando Hierro ka badali doono shaqada xulka qaranka Spain xiliyada soo aadan.

Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in macalinkii hore kooxda Espanyol Quique Sánchez Flores uu yahay dooqa koowaad ee shaqada ka badali doono Fernando Hierro.

Quique Sánchez Flores ayaa la filayaa inuu kala wareego Fernando Hierro shaqada xulka qaranka Spin xiliyada soo aadan.

Xiriirka kubada cagta dalka Spain ayaa lagu soo waramayaan in ay xiriir la sameeyeen Quique Sánchez Flores, kadib markii shaqada laga ceeriyay Julen Lopetegui kahor 2 maalin inta uusan bilaawan koobka aduunka, laakii ugu dambeyn waxay go’aansadeen in ay magacaabaan Fernando Hierro inta lagu jiro koobka aduunka 2018.

Si kastaba Xiriirka kubada cagta dalka Spain ayaa waxay u arkaan Quique Sánchez Flores, inuu yahay kan ugu haboon, maadaama uusan haatan wax shaqo ah gacanta ku heynin, waxaana la aaminsan yahay in uu leeyahay qibrad uu ku hogaamin karo xulka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close