“Ma fahmi karo xul ay ku sugan yihiin xidigo ka tirsan Real Madrid iyo Barcelona oo xili hore ka haray koobka aduunka”… Fabregas

(Russia) 02 Luulyo 2018. Cesc Fabregas ayaa xaqiijiyay in ciyaartoyda xulka Spain ay muhiim tahay inay qaadaan mas’uuliyada inay sabab buuxda u ahaayeen inay ka haaraan koobka aduunka 2018.

Xulka Spain ayaa ka haray koobka aduunka  2018, kadib markii ay guuldaro rigoorayaay leysla gaaray kala kulmay marti galiyaasho tartankan xulka qaranka Russia.

Fabregas oo laga saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Spain ee koobka aduunka 2018 ayaa markale weerar ku qaaday ciyaartoyda La Roja.

“Ma fahmi karo xul ay qeyb ka yihiin ciyaartoy u ciyarta kooxaha sida Barcelona, Real Madrid, ay kaga soo hareen tartan tartan sidan muhiim ugu ah, waliba xili hore”.

“Waan murugeesnahay waxaana dareemayaa niyad jab aad u xoogan, waxaan u maleenayaa inaan sameyn karnay wax badan ee ku aadan koobka aduunka 2018, sababtoo ah waxaan heysanay ciyaartoy badan ee hibo leh”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close