kooxda Dekedda oo galabta ciyaaraysa kullankii labaad koobka kooxaha Cecafa

( Dar Es Salaam)  02 Luulyo 2018. Kooxda Dekedda ayaa ciyaari doonta kullankii labaad  heerka guruubyada koobka Cecafa Kagame Club Cup oo dhawaan ka Furmay Tanzania.

Naadiga ku guulaysatay horyaalka dalkeena ayaa galabta wajahaysa kooxda  Singida United  oo  ka dhisan wadanka lagu marti galinayo koobkan.

Sida jadwalka ku cad kullanka ayaa soo dhici doono 2:00 oo duhurnimo, waxaana kooxahan ay ku jiraan guruubka C, oo ah guruub adag.

Kullanka ayaa lagu ciyaari doona garoonka National ee magaalada Dar Es Salaam, iyadoo kooxda Singida United ay kaalinta shanaad ka soo gashay kala sarraynta horyaalka Ligi kuu Bara ee Tanzania.

Tartanka ayaa laga saaray kooxda reer Itoobiya ee St. George mahadaama wali uu soconayo horyaalka Ethopian Premier League, isla markaana kooxdan ay hoggaanka u hayso.

Sidoo kale tartanka waxaa laga saaray naadiga reer Tanzania ee Young Africans,  waxaana booskeeda gashay kooxda ay isku wadanka yihiin ee Singida United, halka booskii Saint George lagu buuxiyay APR oo ka socoto  Rwanda.

Guruubka C waxaa min saddex dhibcood leh kooxaha reer Tanzania ee Simba iyo Singida United, iyadoo Dekedda haddii laga badiyo tartanka ay isaga hari doonto.

Ciyaarta ayaa si  toos ah waxaa loogu daawan doonaa Tv-ga AZAM oo laga leeyahay dalka Tanzania,waxaana sidoo kale xusid mudan in SS9 laga daawanayay ciyaarihii dhacayay

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close