Jorge Sampaoli oo iska casilaya shaqadiisa xulka Argentina saacaaha soo socda

(Buenos Aires) 02 Luulyo 2018 Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Jorge Sampaoli ayaa iska casilaya shaqada xulkiisa saacadaha soo socda.

Wararka haatan ka imaanaya Argentina ayaa sheegaya in madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta Argentina uu la kulmay tababare Jorge Sampaoli.

Waxaana si rasmi ah loogu sheegay Jorge Sampaoli inuu keeno warqadiisa istiqaalada saacadaha soo socda si uu u baneeyo kursiga xulka Argentina.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xiriirka kubadda cagta Argentina aysan marnaba doonayn inay iyagu xilka ka qaadaan Jorge Sampaoli, balse waxay doonayaan inay isaga ku cadaadiyaan inuu keeno warqadiis istiqaalada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close