DEG DEG: AC Milan oo la soo wareegtay Goolhaye Pepe Reina

(Europe) 02 Luulyo 2018. AC Milan ayaa la soo wareegtay goolhayihii hore ee Liverpool Pepe Reina kaddib markii uu ka dhacay qandaraaskii uu kula joogay kooxda Napoli.

Camaaliqada reer Talyaani ayaa sidoo kale la soo wareegtay Daafaca reer Coatia Ivan Strinic kaddib markii uu isna ka dhacay heshiiska uu kula joogay Sampdoria.

Labada rugcadaa ayaa kooxda Gattuso u saxiixay qandaraas min saddex sano ah.

Reina 35 jir ayaa ka mid ahaa xiddigihii xulka Spain ee koobka Adduunka inkastoo laga soo reebay tartanka isagoon la safin.

Strinic 30 jir ayaa isaga weli qeyb ka ah koobka adduunka maadaama uu xulkiisa rigoorayaal kaga soo adkaaday Denmark isla markaana ay u soo gudbeen wareega sideed dhammaadka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close