David de Gea oo fariin u diray jamaahiirta reer Spain kadib markii ay ka hareen koobka aduunka 2018

(Moscow) 02 Luulyo 2018. Goolhayaha kooxda Manchester United David de Gea ayaa fariin u mariyay jamaahiirta reer Spain Twitter-ka, kadib markii uu xulka La Roja isaga haray koobka aduunka 2018.

Xulka qaranka Spain ayaa ku guuldareestay inuu u gudbo wareega xiga ee 8-da koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia, kadib guuladaradii kasoo gaartay Russia.

David de Gea ayaa kala soo muuqday koobka aduunka 2018 qaab ciyaareed aan wanaagsaneen, kadib 7 shuut ee lagu tuuray waxaa ka dhashay 6 gool.

Wax qabadka de Gea ee tartankan ayaa gaarsiisnaa kaliya 15%, taasoo ka dhigeysa inuu noqday goolhayihii ugu xumaa koobka aduunka 2018.

Hadaba David de Gea ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo daabacay fariin uu ku raali galinayay jamaahiirta reer Spain.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan jamaahiirta ina garab taagnaa koobka aduunka, mana jirto wax diidmo ah hadii aan la kulano dhaleeceen”.

“Waxaa muhiim ah in uu jiro ixtiraam, waan ogahay inaan guuldareesanay, laakiin waxaan idin balan qaadayaa inaan dib u kici doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close