Carlo Ancelotti oo isha ku haya xidig ka tirsan kooxda Paris St Germain

(Napoli) 02 Luulyo 2018. Sida uu shaaca ka qaaday wargeyska “CalcioMercato” ee dalka talyaaniga Macalinka kooxda Napoli Carlo Ancelotti ayaa wuuxu xiiseenayaa saxixa weeraryahanka kooxda PSG Edison Cavani.

Napoli ayaa mudo ka badan hal bil ku dhawaaqday in Carlo Ancelotti ay u magacawday macalinka cusub ee kooxda si uu u noqdo badalka Maurizio Sarri.

Si kastaba Carlo Ancelotti ayaa wuxuu si xoogan u xiiseenayaa in Edison Cavani uu markale uu dib soo celiyo kooxda reer Talyaani ee Napoli.

Edison Cavani ayaa ku qaatay kooxda Paris St Germain mudo dhan 5 sano, wuxuuna kula guuleestay koobab fara badan, tan iyo markii uu kaga soo biirary kooxda Napoli.

Ancelotti ayaa u arka in Edinson Cavani uu yahay weeraryahanka kaliya ee u qalma inuu hogaamiyo weerarka kooxda Napoli xili ciyaareedka soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close