“Waxaan u rajeenayaa Mbappe wanaag kulamada soo aadan, marka laga reebo kulanka Brazil”___ Pele

(Moscow) 01 Luulyo 2018. Halyayga reer Brazil Pele  ayaa ugu hambalyeeyay weeraryahanka xulka qaranka France Kylian Mbappe guushii uu ka qaaray xulka Argantina.iyo inuu kasoo bar bareeyay rikoor uu ka sameeyay koobka aduunka.

Kylian Mbappe ayaa dhaliyay 2 gool kulakii uu xulka qaranka France kaga adkaaday Argantina 4-2.

Mbappe ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee jira da’aada 19-aad ee 2 gool ka dhaliya koobka aduunka, tan iyo Pele oo sidaan sameeyay sanadii 1958-kii.

Pele ayaa kusoo qoray bartiisa Twitter-ka, “Haambalyo Mbappe, 2 gool koobka aduunka iyo da’ada aad jirto waxay muujineysaa inaad yeelan doonto mustaqbal wanaagsan”.

“Waxaan kuu rajeenayaa wanaag kulamada soo aadan, marka laga reebo kulanka Brazil”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close