“Waan ku faraxsanahay in Messi iyo Ronaldo laga reebo koobka adduunka”!

(Moscow) 01 Luulyo 2018 Kabtanka xulka qaranka Belgium ee Eden Hazard ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in la reebo Argentina iyo Portugal.

Eden Hazard ayaa cadeeyay kubadda marka la daawanayo in la jecel yahay inay ciyaaraan xiddigaha ugu wanaagsan.

Laakiin wuxuu intaa ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay in la reebo Ronaldo iyo Messi maadaama ay tartan ugu jiraan ku guulaysiga koobka adduunka.

Eden Hazard ayaa yiri:

“Harida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waa arin anaga noo fiican, laakiin iyaga wuxuu u yahay wax laga xumaado”.

“Marka aan jecel nahay kubadda cagta waxaan jecel nahay inaan daawano xiddigaha ugu wanaagsan, laakiin markii aan ku jirno tartan waxaan doonaynaa in la reebo waayo waxaan helaynaa fursado badan”.

“Aad ayaan uga xumahay, balse waxaan ku adkaysanayaa in harida Ronaldo iyo Messi ay aad ii farxad galinayso waayo waxaa sii badanaysa fursada aan ugu guulaysan karno koobka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close