Taageerayaasha xulka Argentina oo ra’yigooda ka dhiibtay in Messi uu u ciyaaro xulka koobka adduunka ee Qatar 2022

(Moscow) 01 Luulyo 2018 Xulka qaranka Argentina ayaa markale fashil uu soo wajahay kadib markii xulka France uu xalay ka reebay koobka adduunka.

Shaki badan ayaa la galinayaa in Lionel Messi uu la sii joogayo xulkiisa Argentina oo haatan uu kabtan u yahay kadib ka haridii koobka adduunka.

Messi ayaa xulka Argentina ka fariistay 2016 markaas oo laga qaaday Copa America, balse waxaa lagu qanciyay inuu dib u soo laabto.

Wargayska dalka Argentina ee Ole ayaa ra’yi uruurin ka dhex sameeyay taageerayaasha xulka, waxaana la waydiiyay in Messi uu hogaamin doono xulka koobka adduunka ee 2022.

Taageerayaasha ayaa u codeeyay in Lionel Messi uu sii ahaan doono hogaamiyaha xulka isla markaana uusan ka fariisan doonin u ciyaarida xulka.

54% taageerayaasha ayaa u codeeyay in Messi uu sii ahaan doono laacib ka tirsan xulka Argentina koobka adduunka ee lagu ciyaarayo Qatar 2022.

46% waxay aaminsan yihiin in Messi uusan u ciyaari doonin xulka Argentina koobka adduunka ee 2022.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close