RASMI: Andres Iniesta oo ka fariistay xulka qaranka Spain

(Moscow) 01 Luulyo 2018 Halyeeyga reer Spain ee Andres Iniesta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fariistay u ciyaarida xulkiisa.

Andres Iniesta oo 34 jir ah ayaa doonayay inuu  koobka adduunka ku macsalaameeyo xulkiisa, laakiin wareega 16-ka ayaa caawa lagu reebay.

Iniesta oo ka hadlay ka harida xulkiisa ee koobka adduunka ayaa yiri:

“Xaqiiqda ayaa ah in kulan kaan uu yahay kii iigu danbeeyay ee xulka qaranka, mararka qaar dhamaadku wuxuu noqonayaa si aadan filayn”.

“Aad ayaan u niyad jabsanahay waayo nooma suurogalin inaan sifiican u ciyaarno, waan isku daynay inaan guul gaarno laakiin kubadda cagta ayaa sidaan iska ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close