Messi oo Isbadel wayn lagu arkay kulankii Shalay ee Argentina vs France, balse Nasiib darro….

(Russia) 01 Luulyo 2018. Sida caadiga ah indhaha Caalamka ayaa hayay Lionel Messi kulankii shalay ee Argentina looga reebay Koobka Adduunka kaddib markii ay guul darro 4-3 kala kulmeen xulka Qaranka Faransiiska.

Intii uusan bilaaban kulanka isla markaana la qaadayay heesta calanka ayaa Messi lagu arkay is badel ka duwan kulamadii hore.

Ciyaartii uu Argentina guul darada foosha xun kala kulmay Croatia ayaa la arkayay Lionel Messi oo madaxa heysta isla markaana jah wareer iyo Madax xanuun ka muuqdo intii uusanba kulanku xitaa bilaaban oo la qaadayay heesta calanka.

Balse, isbadel ayaa lagu arkay kulankii shalay oo waxaa la arkayay isagoo dhoola caddeynaya intii la qaadayay heesta calanka balse nasiib darro xulkiisa waa laga reebay Koobka Adduunka.

EEG SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close