“Ilaa haatan ma seexan kadib goolkii aan ka dhaliyay Argentina” – Benjamin Pavard!

(Moscow) 01 Luulyo 2018 Daafaca xulka qaranka France ee Benjamin Pavard ayaa sheegay ilaa haatan inuusan hurdin kadib goolkii uu ka dhaliyay Argentina.

Xulka qaranka Argentina ayaa ciyaarta ku hogaaminayay 2-1, laakiin Benjamin Pavard ayaa gool cajiib ah ugu soo barbareeyay xulkiisa.

Image result for Pavard

Wuxuu sheegay in kulankii Argentina kadib uusan labo indhood isku gayn farxad darteed, wuxuuna cadeeyay inay lama filaan ku noqotay dhalinta gool nuucaas ah.

22 jirkaan oo la hadlay  Telefoot ayaa yiri:

“Xitaa hal daqiiqo ma seexan ilaa haatan kadib goolkii aan ka dhaliyay Argentina, wali lama filaan ayeey igu tahay waayo wax cajiib ah ayaan ka sameeyay koobka adduunka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close