Griezmann oo si xoogan u amaanay Edinson Cavani kahor kulanka France iyo Uruguay

(Russia) 01 Luulyo 2018. Weeraryahanka xulka qaranka France Antoine Griezmann ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kulanka ay ku wada ciyaari doonaan Uruguay wareega siddeeda koobka aduunka 2018.

Xulka France ayaa kasoo gudbay dhigiisa Argantina kadib markii ay kaga soo adkaadeen 4-3, halka Uruguay ay guul muhiim ah kasoo gaareen 2-1 xulka Portugal.

27 jirka reer France ayaa rajeeyay in xulka Uruguay ay bixin doonaan qaab ciyaareed la mid ah kooxda Atletico Madrid.

“Uruguay waxay noqon doontaa sida Atletico, waxay qaadan doonaan waqtigooda, way dhici doonaan waxayna aadi doonaan garsooraha”.

Intaas kadib Antoine Griezmann ayaa wuxuu anaabat weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Edinson Cavani.

“Waa weeraryahanka ugu fiican sida ay ila tahay, wuxuu weydiistaa kubada 10,000 jeer, wuxuu u shaqeeyaa kooxda, hadii uu dhaawacan yahay wax badan ayay badali doonaan, wuxuu ahaa dhaliyaha labadii goo lee kulankii Portugal”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close