Cristiano Ronaldo oo xalay ku sigtay inuu kala jaro garsooraha +SAWIRRO

(Moscow) 01 Luulyo 2018 Kabtanka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku sigtay xalay inuu kala jaro garsooraha kadib dhamaadkii ciyaarta.

Garsooraha reer Mexico ayaa laad xor ah ka diiday inuu u dhigo Quaresma oo qalad lagu galay, taas oo aad uga caraysiisay Ronaldo.

Laacibka ayaa wajiga wajiga u saaray garsooraha isaga oo ku hadlayay ereyo lid ku ah, balse garsooraha ayaa jaale ku abaal mariyay xiddiga reer Portugal.

Ronaldo iyo asxaabtiisa xulka qaranka Portugal ayaa xalay sidaas ku macsalaameeyay koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close