Xiriirka kubadda cagta Germany oo go’aamiyay mustaqbalka tababare Joachim Low

(Berlin) 30 Juunyo 2018 Xiriirka kubadda cagta Germany ayaa ugu danbayn go’aan ka gaaray mustaqbalka tababare Joachim Low.

Gudiga uu ka kooban yahay xiriirka ayaa isku raacay in tababare Joachim Low oo 58 jir ah uu yahay shaqsi ku haboon hogaaminta xulka qaranka.

Dhamaan xubnaha ayaa isku raacay shalay oo jimco ahayd inay lagama maarmaan tahay in tababare Joachim Low uu dhamaysto qandaraaskiisa gaaraya ilaa 2022.

Mustaqbalka tababare Joachim Low ee xulka Germany ayaa mugdi la galiyay kadib markii xulku uu ka soo haray koobka adduunka.

Wali waxaa harsan kulan kale, isbuuca soo socda ayaana la filayaa in lagu dhawaaqo go’aanka kama danbaysta ah.

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close