Xidiga xulka qaranka Mexico Andrés Guardado oo weerar ku qaaday Neymar Jr, kahor kulanka Brazil iyo Mexico

(Russia) 30 Juunyo 2018. Andrés Guardado ayaa weeraray xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG Neymar, kahor kulanka ay ku wada ciyaari doonaan wareega 16-ka koobka aduunka 2018.

Xulalka Brazil iyo Mexico ayaa ku dagaalami doono wareega 16-ka koobka aduunka 2018 wuxuuna xidigan sheegay in Neymar uu inta badan yahay mid dhulka isugu tuura qaab jiliin ah.

“Cid kasta wey ka war heysaa waxa uu yahay Neymar Jr, ma ahan inaan inaga ka hadalno. Waa go’aan u yaala garsoorayaasha iyo xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA”.

“Waa in si gaar ah ay ula socdaan gudiga farsamada fiidiyowga ee caawiyaha garsoorka waxa uu sameenayo Neymar, sababtoo ah wuxuu sameeyaa jiliin xad dhaaf ah”.

“Mararka qaarkoodna wuxuu isku tuuraa dhulka, wuxuuna matalaa in dhaawac loo geestay, kama hor tagi karno sababtoo ah waxaa ku shaqo leh garsoorka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close