Shaxda ay ku soo gali doonto kooxda Dekedda ciyaarta galabta ay wajahayso Simba FC

( Dar Es Salaam) 30  Juunyo 2018.Kooxda kubadda cagta ee Dekedda ayaa goor dhaw kullan xiiso badan la ciyaari doonta naadiga reer Tanzania ee Simba.

Kullankaan ayaa ka tirsan tartanka  Cecafa Club Kegame Cup , oo aan la qaban labadii sanno ee la soo dhaafay.

Macallin Yuu Cali ayaa shax hor dhac ah soo saaray,waxaana sida la sheegay galabta shabaqa ku soo billaaban doona goolhaye Mustaf,halka daafaca bidix la ciyaarsiin doono Sayid Cali Baana.

Sidoo kale daafaca dhexe ayaa iska kaashan doona Xasan Afgooye iyo Baanuu,halka weerarka ay ciyaari doonaan Ibra,Raymond iyo Mustafa.

Faysal Xaashi iyo garabka bidix ee daafaca C/wali Welech ayaa dhaawacyo ku seegaya kullankan.

Akhriso Shaxda: Goolhaye Mustaf, Bile,Xasan Afgooye, Baana, Baanu, Tubaal, Nuuraani, Cabaas, Ibra, Rymond iyo Mustafa.

F

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close