RASMI: Lucas Biglia oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib guuldaradii France

(Russia) 30 Juunyo 2018. Difaaca kooxda AC Milan iyo xulka qaanka Argantina Lucas Biglia ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah kaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii ay ka hareen koobka aduunka 2018.

Xulka qaranka Argantina ayaa si rasmi ah u macsalaameeyay koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia, kadib markii ay guuldaro 4-3 kala kulmeen xulka qaranka France.

Lucas Biglia ayaa kulanka kadib la wadaagay saxaafada “Waa inaan ka tagaa xulka, hada waa inaan baxaa, lakiin ma aqaano waxay sameyn doonaan saaxiibada kale”

Biglia ayaa horey ugu dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah,kadib markii ay ku guuldareesteen Copa America, kahor inta uusan ka laabanin go’aankiisa.

Xidiga xoogda AC Milan ayaa noqday xidigii labaad ee iska casilay ciyaaraha caalamigaha kadib markii ay isaga hareen koobka aduunka 2018, waxaana kaga horeeyay go’aankan Javier Mascherano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close