Messi oo la arkay isaga oo Ooynaya markii uu ka sii baxayay garoonka!

(Moscow) 30 Juunyo 2018 Lionel Messi iyo asxaabtiisa ayaa caawa macsalaameeyay koobka adduunka kadib markii loogu awood sheegtay 4-3.

Wariyayaasha joogay garoonka ayaa saxaafada u sheegay inay arkayeen Messi oo ka sii baxaya garoonka isaga oo Ooynaya.

Niyad jab wayn ayaa ka muuqday kabtanka xulka Argentina, wuxuuna ka baxay garoonka isaga oo aan bixin wax waraysi ah.

Hab dhaqankii uu soo muujiyay ayaa loo fasirtay in laacibku uu qorshaynayo inuu ka fariisto xulka, balse waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya inuu sii hogaamin doono xulka ilaa koobka adduunka ee 2022.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close